wargees
           Daawo

        Runta.neT

 ka dhigo Boga hore                         ku darso favorites

 

waxaa online ah 0 maamul

 

  Maxaa Cusub
Laamiyatul Carab                                 
Sh. yuusuf        Axmed
 
 
 
 
 
Salaada iyo sabarka
Sh.Yusuf Ahmed

 

 

 

           Kutub

  www.runta.net                                     Suppervisor Sh. Yuusuf Axmed

Saxaafadda ,& Aragtida Islaamka.

Magaca Alaah anoo cuskanaya ayaa Waxaan leeyahay:-

1- Sida lawada ogsoonyahay Diinta Islaamku waa diin dhamaystiran, dhinac walba oo aad ka eegto. Diintu Nolosha dhinacwalba oo kamid ah way ka haqab tirtay Ibna aadamka, oo waakan Allaah(JWC) leh ( Kitaabka Waxba ugama aanan tegin) Abuu Dardaa saxaabiga layiraahdana Wuxuu oran jiray:( majirto shinbir kuduusha hawada haday jirtoSuubanuhu wuxuu inooga sheegay cilmi). sidaas oo kale suubanuhu (CSW) wuxuu yiri: ( Majiraan Wax alaah idiin dhoweeya oo aanan idiinkala dhigdhigin, Mana jiraan wax Allah idinka fogeeya oo aanan idinkaga digin.
Walaal: mawaxay kula tahay diinta ku bartay sidaad u isticmaali lahayd Suuliga in ay ka gaabinayso waxyaabaha muhiimka ah oo noloshaadu ku xirantahay?.
2-Wax yaabaha ay diintu bayaamisay, kalana dhigdhigtay Waxaa ka mid ah : Qofku haduu Wax qoraayo, Amaba hadal sheegayo hufnaanta looga baahanyahay oo aan ku soo gaabinayo dhawrkaan cutub ee soo socda:
B- Runta in lagu dadaalo Waxkasta oo laqorayo amaba laqiranaayo,sidaas ayaana Allaah nafarayaa asagoo oranaya hadal macnihiisu yahay ( Dadka Ilaah rumeeyey allaah ka cabsadda Kunabiira ( ku darma ) kuwa Runta oon sheega )Altawba Aayadda 119.
T- Hadalka Meesha laga soo qaadanayo waa in uu yahay mid lagu kalsoonyahay, Sida in uu yahay qof runta lagu yaqaan, ama hay,ad nadiif ah, beentana banaan iska marisay, laakiin hay,ad,iyo wadar, lagu yaqaan beenta & abuurkeeda Mabanaana in laga dhigto asal warbaahin iyadoon lahubsan hadalkooda ama aan lahufin, sidaa darteed ayuu allaah leeyahay Eray Macnihiisu yahay ( Dadka Allaah rumeeyey Hadii mid aan Xadlahayn ama Faasiq War idin soo gaarsiiyo Iska hubsada hadalkiisa) laatuqadim Aayadda 6-.
J- In uusan hadalkaasi Fidno, dhagar,dhib,& wixii lahalmaala aysan kadhalanayn Soomaaragtiin in Nabigeena Suuban (CSW) uu mucaad ku yiri: ( Dadka ha usheegin maxaa yeelay way isdhiibin( Talasaaranayaan) Cilmiga lagu yiri Mucaad ha sheegin wuxuu ahaa mid aad u faa,iida wayn hadana Waxaa laga Cabsaday dad aan lahayn garashada Mucaad oo kale in ay qalad u qaataan. Abuu -hurayrana wuxuu oran jiray Nabiga waxaan ka weriyey labo weel oo cilmi ah midka mid ah Waan idiin daadiyey = waan idiin sheegay). Midkii kalena waan idinka qariyey, Hadaan idiin sheegi lahaana Luquntayda ayaad ku dagaalami lahaydeen.( in aad i dishaan ).
X-Waa in uu Daacad yahay Qoruhu hadalkiisana Allaah ugu dhowaanayo maxaa yeelay Carabka wixii hadala oo ka soobaxa Waa la diiwaan gelinayaa Aakhirana waa la iswaydiinayaa sida Allaah leeyahay : ( Qofku markuu ku hadlo eray dhabahaantiin Malaa,ig ayaa dafta) Qaaf aayadda -18-naad.

Nebigeenuna (CSW) wuxuu yiri ( Qofkii Allaah & Aayatiinka danbe rumeeyey Haku hadlo Wanaag & khayr Hadii kale ha aamuso).
KH-Waa in uu Qoraalkiisa ula jeedo Naseexa & udanayn bulshada muslinka ah ee uusan kalahayn ujeedo gaar ah , sidaas ayuuna Rasuulkeeno (SCW) kula dar daarmay Jariir -Ibnu Cabdilaahi Al-Bajali oo uu ku yiri: ( Waa inaad daacad u noqotaa Qofkasta oo muslim ah ( Latalisid). Sidoo kale Suubaneheenu (SCW) wuxuu yiri ( Qfkii ina khiyaama inagama tirsana ).

                            

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

           Menu
 Duruus
 Muxaadaro
 Maqaalo
 kalimada sheekha
 Guest Book
 Contact Us
     Quran Video

  Daawo Quran Video

    

       Juz Ama

Juz Amma Översättning på  svenska  

       

           Links

  Aflax

  Waaniye

  Duruus

  Tafiiq Masjid

  Maktabada Maanta

  Khalid Masjid

 Anasheed

 Dacwah

 Islam Way

 Islaam Web

 Altaqwaa

 Golaha Imaamyada

 
 Soo dajiso dhaman barnaamijta
                                                                                                                                    "Copyright © 2007 Runta.net